Kismaayo: Ra’iisul wasaare Kheyre oo dhagax dhigay dhismayaal dowladeed


Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gelinkii dambe ee shalay dhagax dhigay dhismayaal lagu wado in laga hirgeliyo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

Dhimmayaasha uu dhagax dhigay Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa yeelan doona Wasaaradaha Federaalka ee Beeraha, Kalluumeysiga iyo Xannaanada Xoolaha.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa waxaa dhagax dhiga ku wehlinayay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Bayle, madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda iyo kuwa Jubbaland.

Bulshada reer Kismaayo ayaa si weyn u soo dhaweysay booqashada ay magaalada ku jooggan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xukuumadiisa oo shalay shirkoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaaladaas.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa shirka uga qabsoomay Kismaayo ku macneeyay mid lagu xoojinayo wada shaqaynta iyo midnimada shacbiga Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST