WAR-MURTIYEED:- Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo looga Hadlay Arrimo muhiima

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay arrimaha kala ah Amniga dalka, Safarkii Madaxweynaha ee Muqdisho, Soo dhaweynta Madaxweynaha Dawladda Federaalka, U-diyaar garowga 1-da August, Xaaladda Abaaraha, Bixinta Canshuuraha iyo warbiximo.