Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Haweenka

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 July 2017 Daahfuray dhismaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dawladda Puntland oo Garoowe laga hirgeliyey dhismaheeda.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey daahfurka xurintani cusub Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland, saraakiil ka socdey hay’adaha UN-HABITAT iyo UNDP, urrurka haweenka Puntland iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaaladda Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlay munaasibada daahfurka dhismahani cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qayska ee dawlada Puntland ayaa sheegay in dhimahan cusubi uu yahay dhismihii  ugu tayadda wanaagsanaa uguna nashqadaynta wanaagsanaa intii la hirgelinayey Wasaaraddo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey cidkasta oo gacan ka geysatey hirgelinta xaruntani oo ay ugu horeeyaan hawl wadeenadda Wasaaraddu.

‘’ Dhismayaan badan oo dawladdeed ayaa intaanu joogney fureyney ha ahaadeen kuwo aanu gacan ku lahayn iyo kuwo aanu buldhig ka ahaynba eh,  laakiin runtii maanta waxaanu halkan ku aragnay majirto ilaa hadda kuwo soo socda waa dhici kartaaye in isbedel dhabi uu jiro, waxaa ka muuqda dedaalka galay, waxaa ka muuqda hufnaanta lagu dhisay’’  ayuu yidhi Madaxweynuhu.

‘’Taasi Maxay cadaynaysaa? Waxay cadaynaysaa hogaanka haweenka, inay ka daacad san yihiin, ka wax tarsan yihiin, ka musuq maasuq yar yihiin Raga, ‘’raali ahaada Ragaw’’, halbaanse idiin sheegayaa dumarka laftigoodu awooda Illaahay siiyey inay aqoon sadaan baalaga rabaa, Ragu waxay yiraahdaan waxaanu nahay madaxii qoyska, laakiin waxaysan fahansanayn dumarku inay yihiin luquntii qoyska’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dawladda Puntland Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin ayaa dhankeeda sheegtay in wasaaraddani ay tahay tii ugu horeysey ee laga hirgeliyo Puntland iyo Soomaaliya oo dhan, waxaana ay tibaaxday in dhimahani ka kooban yahay qaybo kala duwan oo  wax tar u leh haweenka iyo dhalaanka dawladda Puntland.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u mahadnaqay hay’addaha ka qayb qaatay dhismahani Wasaaradda, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in hadii lasyku tashto wax walba la qabsan karo laguna guulaysan karo horumarinta wadankeena.