Ciidamo Soomaali iyo Mareykan ah oo howlgal ka fuliyay Shabeelaha Hoose

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Mareykan ah ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig Al-shabaab ku lahaayeen Tuulada Kuunya Barow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.

Weerarka oo loo adeegsaday Diyaarado dagaal ayaa socday muddo saacado ah, waxaana la sheegay in howlgalkaas lagu soo furtay 180 qof oo Maxaabiis u ahaa Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Xalay Kowdii habeenimo ciidamo Mareykan ah iyo  ciidamo gaar u tababaran oo Soomaali ah ay weerar ku qaadeen Tuulada Kuunya Barow oo 90-KM u jirta magaalada Baraawe, halkaas oo ay Al-shabaab ku lahaayeen saldhigyo waaweyn.

Aadan Cumar ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Isbahaysiga ee weerarka qaaday ay soo furteen 180 maxaabiis ah oo u xirnaa Al-shabaab, wuxuuna intaas ku daray in weerarkaasu ahaa mid bartilmaameed ah oo muhiimadii laga lahaan laga gaaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Aadan Cumar in Tuulada Kuunya Barow ay hadda gacanta ku yahaan Al-shabaab, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii Isbahaysiga oo muddo seddex saacadood ah gacanta ku hayay.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Mareykan ah ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ku qaaday saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen Koonfurta Soomaaliya.

PUNTLAND POST