Shirka Golaha Wasiirdda Soomaliya oo Markii Ugu Horeysay Meel ka baxsan Muqdisho lagu qaban doono

Kismaayo[Puntland Post] Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiradiisa ee Kismaayo tagay, waxaana uu ku tilmaamay in Kismaayo lagu qabto shirka Golaha Wasiirada ay guul u tahay dadka Jubbaland, ayna qeyb ka tahay baahinta dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Kismaayo uu yimaado, isla markaana uu ku shir guddoomiyo shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Khamiis ah shirkooda u horeeyay ku yeelanaya magaalada Kismaayo, sida uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdiqani Boos

Puntland Post