Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Golihiisa Wasiiradda oo gaaray Magaalada Kismaayo

Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudne Xasan Cali Kheyre ayaa goordhaweyd ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland.

Wafdiga R/wasaaraha ayaa waxaa kamid ah Golahiisa wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo xubno ka ah Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida Warbaahinta PUNTLAND POST ay wararka ku heleyso  R/wasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada kismaayo oo ay kulankooda Todobadlaha ah ay maalinta beri ah ku yeelan doonaan Magaaladaasi.

Kulanka beri la qorsheynaayo in ay ku yeeshtaan Golaha wasiirada Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu bilow u yahay Kulamo kale oo la sheegay in Golaha wasiirada ay ku yeelan doonaan dhamaan Maamul Gobaleedyada dalka Ka jira.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho