Farmaajo iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo khadka Taleefanka kuwada hadlay

Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka taageerto qorshayaasha horumarineed ee ay higsanayso iyo in ay kala shaqayso dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku cirib tireyso argagaxisada.

Mudane Tillerson oo khadka teleefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa u xaqiijiyay in Maraykanka uu si buuxda u taageerayo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Ahmiyadda ugu weyn ee aan leenahay waa sugidda nabadgalyada iyo xaqiijinta in hay’adaheenna ammaanka ay yihiin kuwo tayo iyo tababar fiican leh. Waxaan dardargelinaynaa dagaalka ka dhanka Alshabaab si loo afjaro khatarta argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Sooomaaliya ayaa dhawaan waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ka caawisay in ay hawlgallo ka fuliyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen argagixisada Alshabaab.

Dhamaad 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho