Xafiiska Isir-raaca Muwadiniinta Soomaliyeed oo laga furay Bosaso

Bosaso[Puntland Post] Magaalada Boosaso Ee Xarunta Gobalka Bari ayaa si rasmi ah waxa looga daah furaya Xafiiska isir raaca Muwadiniinta soomaliyeed waxana si wada jir ah iskaga kan shan doona Maamulka Gobalka Bari, Kan degmada Boosaso iyo Laanta socdalka iyo Jinsiyadaha Ee dawalada Soomaliya.

Daahfurka Xafiiskan ayaa waxa Goob Joog ka ahaa Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf maxamed Wacays Dhado, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga ee Puntland iyo Agaasimaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ee DFS.
Baahida ugu wayn ee Xafiskan loo furay ayaa ahayd kadib markii Baasaboorka soomaaliga ah ay Qaateen dad ajaaniib ah oo aan dalka soomaaliya udhalan.

Xafiiskan ayaa waxaa kushaqayn doona 9 kamid aha Nabadoono kala matalaya qabaailada dagan gobolka Bari iyo dadka ka soojeeda Maamulka koonfur galbeed ee soomaaliya, waxaana loo sameeyay xafiiskan buuga isiraaca qofka muwaadinka ah ee baasaboorka soomaaliga ah qaadanaya .

Nabadoonadan ka hoolgali doona Xafiiskan isiraaca muwaadiniinta Soomaaliyeed ee G/bari ayaa muwaadiniinta soomaaliyeed usahli doona in ay qaataan Baasaboorka Soomaaliga ah marka ay ucadaato soomaalilimadiisa .
Gudigan nabadoonada ah ee arintan looxilsaaray ayaa waxaa ka kooban yihiin7 Xunbnood .

Gudoomiyaha Gobolka bari yuusuf maxamed wacays dhado oo isna madasha kahadlay ayaa kawarbixiyay baahida keentay in Maamulku uu furo xafiiskan uu furo waxana uu tilmamay in ay sababtu ay tahaya markii la arkay in Dad aan u dhan Soomaliya in ay iska Qaten Baasaboorka soomaliga ah .

Cabdi faarax oo kuhadlaayay magaca gudigan Nabadoonada ah ee xafiiskan loomagacaabay ayaa sheegay in masuuliyada loo igmada uga soobixi doonaan si ay masuuliyadi kujirto.

Wasiir dowlaha wasaarada Amniga Puntland Cabdirisaaq cali geele ayaa sheegay in Xafiiskan uu sahlayo in sifudud lagu qabto dadka dabiilayaasha ah ee amniga lidiga Ku Ah.

Waa Xafiiskii ugu horeeyay oo loogu magac-daro xafiiska isir-Raaca muwaadiniinta soomaaliyeed laga hirgaliyo Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaso Ee Xarunta Gobalka Bari.

http://allsbc.com/sbcon/wp-content/uploads/2017/07/

 

Cabdiqani Boos 

Puntland PostÂ