Ganacsiga Bosaso oo Maalintii Saddexaad Xiran

Bosaso[Puntland Post] Xarumaha Ganacsiga ee Magaalada Boosaso ayaa maalintii 3 xiran kadib markii ay ganacsatadu ka soo horjeesten Cashuur lagu kordhiyey.

Puntland Post Xafiiskeeda Boosaso oo la hadlay Qaar ka mid ah Ganacstada Boosaso ayaa sheegay in ay si weyn uga so horjeedaan Dawladu cashuurta ay ku kordhisay oo ay sheegeen in aan iyaga xaq loogu lahayn, balse ay tahay in canshuurta noocaas ah la saaro dadka mulkiilayaasha ah ee leh guryaha ay ku jiraan.

Waxa socda shirar ay leeyihiin gudiyada ganacsatada iyo Dawladda, kuwaas oo ka wada hadlaya sidii loo xalin lahaa dhibatadan taagan in kastoo aysan waxa natiijo ah ilaa hadda soo bixin.

Dawlada Puntland wali kama hadlin Ganacsigan xiran waxaana jira Gadood ay sii wadaan Ganacsatada Bosaso.

Wixii ka soo kordha arintan kala soco Puntland Post

Cabdiqani Boos

Puntland Post