Jarmalka oo ku guulaystay Koobka Qaaradaha Aduunka

Xulka kubadda cagta dalka Jarmalka ayaa markii ugu horeysay ku guulaystay koobka Qaaradaha aduunka (FIFA Confederations Cup), kadib markii ay 1-0 ugu awood sheegtay xulka Chile.

Jarmalka oo ay u dheelayeen cayaartow da’yar ah oo saaxada kubadda ku cusub ayaa dalkooda u soo hoyiyay guul ayna waligood gaarin, iyagoo ka yaabsaday xulka Chile oo haysatay qaar ka mid ah cayaartowda ugu dhibrad badan aduunka.

Abaal marinta xidiga tartankan ugu fiican ayaa waxaa ku guulaysatay laacibka ee Jarmal ee Julian Draxler oo ah hogaamiyaha  kooxdan da’yarta ah, wuxuuna Draxler ahaa xidiga weerarka iyo khadka dhexe ugu khibrada badnaa.

Gool hayaha xulka qaranka Chile ee  Claudio Bravo ayaa isna ku guulaystay Abaal marinta gool hayaha ugu fiican tartankan, waxaana lagu xuusan doonaa saddexdii gool kulaad ee isku xigay oo ka badbaadiyay xulka Portugal.

Xidiga tartankan wacdaha ka dhigay ee Timo Werner oo ka tirsan xulka Jarmalka ayaa ku guulaystay Kabta dahabka ah ee gool dhalinta  tartankan, kadib markii uu soo dhaliyay 3 gool, walow ay isku goolal noqdeen xidigaha qarankiisa ee Leon Goretzka iyo Lars Stindl, balse waxa uu sidoo kale isagu sameeyay laba gool caawinaad.

Tababare Jarmalka  Joachim Löw ayaa muujiyay awooda xataa haddii wato cayaartow da’doodu ka yar tahay 21 sano in uu ku garaaci karo xulalka kubbada cagta ugu awooda badan.

PUNTLAND POST