Wasiiru dowlaha Warfaafinta Puntland oo ka hor-yimid Xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Warfaafinta,Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka Puntland Dr. C.Fitaax Nuur Axmed (Ashkir) ayaa shir Saxaafadeed oo uu maanta ku qabtay Magaala Madaxda Puntland Ee Garoowe ku sheegay in dowladda Puntland qayb ka ahayn Xeerka Isgaarsiinta ee la mariyay golaha Wasiirada Federaalka maalintii khamiista ahayd Ee la soo dhaafay 21-kii bishaan.

Wuxuu Wasiir Ashkir sheegay in tilaabadaas ay baal-marsantahay Distuurka, dowladnimadana wax u dhimi karta.
Wasiirku wuxuu yiri ” sida ku cad Dastuurka Federaalka ah qodobkiisa 54-Aad Awoowdaha dowladda Federaalka ah waa: difaaca Qaranka,Jinsiyadda, Xiriirka dibadda, daabacidda lacagta wixii intaa ka soo hara sida Dastuurka Federaalka ahba uu qeexayo, way u madax bannaanyihiin dowlad goboleedyadu in ay aayahooda ka tashadaan,Xeerkaana waa mid loo baahnaa in Puntland laga war-galiyo”.

Wuxuu Wasiir dowlaha warfaafinta sidoo kale sheegay in ay Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ay ku hawlanayd talo ka bixinta Xeerkaan khuburo Wasaaradda ka tirsanna u saartay turxaan-bixinta Xeerkaan qodobbo Muhiim Ahna ay soo tilmaameen in wax laga baddalo.
Wuxuuna Wasiirku ku daray ” Wasaaradda Isgaarsiinta Federaalka way ku deg degtay in ay Xeerkaan hor-gayso golaha Wasiirada Federaalka,waxaa habboonayd in dib la iskugu soo laabto si qolo weliba fikirkeeda ku aadan Xeerkaan ay u soo ban-dhigto”.

Wasiirku wuxuu raaciyay Hadalkiisa ” Puntland ma ogola Xeerkaan,mana Aqbali doonto in loo meeriyo Xeerar si gaar ah loo qortay”. Wuxuuna Wasiirku si fiican u sharraxay sida ugu wanaagsan oo Xeer isgaarsiinayd loo Meel-marin karo,taladuna ahaato mid si wadar ah loo qaato,Ee aan qolo gaar ah isku koobin ka talinta aayaha iyo Mustaqbalka dadka iyo dalka.

PUNTLAND POST
GAROWE