Markab Dagaal oo ku qarxay Xeebta Degmada Caluula ee Puntland

Bosaso[ Puntland Post] Wararka ka imaanaya Xeebaha degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in qarax weyn laga maqlay markab kuwa dagaalka ah oo ku sugnaa meel qiyaastii 44KM u jirta degmada Caluula ee Gobolka Bari.

Dad ku dhaqan deegaanka Murcanyo ayaa u sheegay inay arkeen markab weyn oo kuwa dagaalka ah oo qarxaya, kaddibna quusaya Badda.

Ma cadda waxa dhabta ah ee qaraxaas uu ka dhashay balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan.

Labo Markab oo ah kuwa Dagaalka ayaa Gurmad u fidiyey Markabkan sida ay Puntland Post u Xaqiijiyeen qaar kamid ah Kaluumaysatada Degmada Caluula manajirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxaya .

Maraakiib kuwa dagaalka oo ka socda dhowr dal ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo kula dagaalamaya burcad badadeedka.

Wixii soo kordha la soco Puntland Post Insha allah

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST