Duufaan ka dhacday Tuulada Yoonbeys Gobolka Nugaal oo sababtey dhimasho

Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen duufaan  galinkii dambe shalay 25 June 2017 dulmartey labo dhisme oo ku yaala tuulada Yoonbeys ee hawdka Gobolka Nugaal sida uu xaqiijiyay  Cabdilaahi Warsame oo ah goobjooge PUNTLAND POST uga waramay sidey wax u dhaceen.

Cabdulaahi Warsame oo xiriir khadka telefonka lasoo sameeyay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay inaysan nooceeda horey u arkin dabeyshaan, wuxuuna sheegay inay ahayd mid wadatey Wiriqda iyo Onkodka roobka oo kale, Islamarkaana ay si weyn u cabsi galisay dhamaan dadka ku nool tuulada iyo baadiyaha u dhaw.

Dadka waxyeeladu kasoo gaartey Dabeysha ayaa dhamaantood kasoo jeeda hal qoys ka dib markey duufaantu ugu tagtey dhisme cirifka kaga yaala magaalada oo ah hoyga ay deganaayeen, Waxaana ku geeriyootay gabadhyar oo saddex sano jir ahayd, halka ay ku dhaawacmeen tirada ilaa 3 kale oo mid ka mid ah tahay hooyadda qoyskaas.

Wuxuu carabka ku dhuftay goobjooge Cabdulaahi Warsame in qoyska waxyeeladu kasoo gaartey dabaysha loo soo dhigay magaalada Garowe Islamarkaana mid ka mid ah xaaladiisa caafimaad aad u liidato.

Dhinaca kale dadka deegaanka Yoonbeys ee Gobolka Nugaal oo la hadlay  PUNTLAND POST waxay si isku mid ah u sheegeen inaysan horey u arkin nooceeda duufaantan oo wadatey sharqan xoog leh sida Onkodka iyo wiriqda roobabku leeyihiin.

Taariikhda inta laga warhayo waa markii ugu horeysay oo deegaan ku yaala Hawdka Gobolka Nugaal oo laga soo sheego Dabeyl xoogan oo leh sharqanta roobka Islamarkaana sababtay waxyeelo burbur hantiyeed iyo mid nafeed-ba leh.

Daawo Wareysi Goobjooge Cabdulaahi

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST