Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay cilad ku timid Internet-ka


Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay ciladi ku timid adeegii Internet-ka ee ka jiray Gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Agaasimaha Wasarada Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in uu Markab jiiray halka ay iska galaan labo Cable oo Internet ah oo ka kala yimaada Jabuuti iyo Kenya.

“Fiilooyin Cable ah oo nooca ka kala yimaada Kenya iyo Jabuuti meel ay iska galaan ayuu Markab jiiray, Markab kale ayaa loo soo diray oo samaynaya” , ayuu yiri Agaasime Axmed Xaaji.

Agaasimaya ayaa sidoo kale sheegay in xalinta ciladan soo korortay ay qaadan doonto muddo dhowr maalmood ah, wuxuuna sidoo kale xusay in ciladan Internet-ka ay culays ku keentay howlihii ka socday xafiisyada madaxmaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Adeega Internet-ka ayaa shalay iyo maanta ka maqan qeybo ka mid Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo saameyn xoogle ku yeelatay Shirkadaha waaweyn, xafiisyada dowladda iyo dhamaan shacabka ku nool goboladaas gaar ahaan shacabka caasiamda Muqdisho.

Horaantii sanadkan ayay ahayd markii cilad tanoo kale ah dhacday, kadib markii la jaray Fiilo Cable ah oo ka timaada Jabuuti, taas oo Internet-ka soo gaarsiin jirtay Soomaaliya.

PUNTLAND POST