Maxaa Ka dhigay Ra’iisul wasaarayaasha Soomaaliya dhibanayaal Siyaasadeed? W/Q. Mohamed Bulhan


Tani waa qormo gaaban oo aan ku eegayo duruufaha ka dhigay dhibanayaal siyaasadeed Mudanayaal badan oo jagadaan soo qabtay ilaa Carte tan iyo xilligii dib loo unkay dawladnimada Soomaaliyeed.

Haddaba, waxaan oran karaa nidaamka dawladeed ee ay ku shaqeenayeen dawladihii kala dambeeyey ayaa sababay in Ra’iisul wasaarayaashu mooshino baarlamaanka ka keeno taasoo sababta in xilkooda waayaan, oo ay usii dheertahay inay juhdi badan galiiyaan sida ay u qancin lahaayeen kooxo dana kala duwan leh, laakiin ka midaysan inay cad ka helaan xukuumadda.

Sidaa daraadeed, dastuurka kumeel gaarka ah wuxuu qeexaya in uu Ra’iisul wasaaraha uu ka yimaado xisbiga ugu cod badan baarlamaanka maadaama nidaamka dawladeed ee aanu qaadanay uu yahay nidaam baarlamaani ah.

Haddaba, taasi hada mataalo oo nidaamka ay dawladeenu ku shaqeyso waa 4.5, Madaxweynaha ayaa soo xulo Ra’iisu lwasaaraha. Taas ayaana ka dhigtay Ra’iisul wasaarayaashu inaysan helin xisbi ka difaaca baarlamaanka, oo ay ku qasbanaadaan inay laaluush bixiyaan, ama isbaarooyinka siyaasadeed ee loo dhigto inay si xeeladaysan uga gudbaan sida inay jagooyin u magacaabaan xubnaha baarlamanka. Intaas oo dhan waa daruufaha Ra’iisul wasaarayaasha ay ku shaqeeyaan oo waxay dhexda ooga jiraan danleey siyaasadeed oo aan arxan laheyn, kaliya tayda fuli hadii kale mooshin ayaa ku yaqaan!

Ra’iisul wasaare Kheyre tii ayaa hada haysata, inkastoo ay Madaxweynaha isku doon saaranyihiin, hadana waxaa ku dhagan danleey siyaasadeed oo ka kooban Xisbiga Daljir, haraadigii Damul Jadiid, koox baarlamaanka ku abaarsatay oo rabta in jeebkooda lala hadlo maadaama ay qarash badan soo galeen xilligii ay jagada baarlamaank u ordayeen.

Haddaba, Kheyre ma tubtii hore ayuu qaadi doonaa mise wado cusub ayuu falan doonaa oo wuu ka bad-baadi doonaa isbaarooyinka siyaasdeed ee loo dhigtay?  Taas jawaabteeda wakhtigaa sheegi doona.

Guntii iyo gaba gabadii, xeyndaabkaas Ra’iisul wasaarayaasha kama baxayaan ilaa dalku galo nidaamka xisbiyada badan taasoo u suura galinaysa inay helaan xildhibaano baarlamaanka ka difaaca iyo aqlabiyad u saamaxaysa inay ajandayaashooda fuliyaan kadeeydka siyaasadeed oo ay  xaaladaan abuurtay ooga baxaan.

W.Q. Mohamed Bulhan