Soomaaliya oo lacago badan loogu yaboohay Shirka Uganada

Qaar kamid ah dalalkii ka qeyb galay Shirkii isgarab taagga Uganda ee Qaxootiga oo ay shir guddoominayeen Madaxweynaha Uganda iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay waxa ay balan qaadeen lacago gaaraya 358 milyan oo Doollar.

Dalalka lacagahaas ku yaboohay waxay kala yihiin Sweden (27.2 milyan), EU (95 milyan), Japan (10 milyan)Australia (5 milyan), UK ( 15 milyan) Canada (11 milyan) Norway (4 milyan), South Korea (6.8 milyan), Denmark (40 milyan), Netherlands (5.5 milyan), UAE (5 milyan), India (1 milyan), Austria (2 milyan), Ireland (2.3 milyan), China (500 kun), Midowga Afrika (100 kun), Kenya (100 kun) iyo Equatorial Guinea (100 kun).

Maadaama qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 40 kun ay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga dalka Uganda, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ka saaranyahay in ay ka qeyb qaadato yabooha loo sameynayo qaxootiga ku nool dalkan, waxaana dowladdu bixin doontaa $100,000 (Boqol kun oo Doollar).

PUNTLAND POST