qaar kamid ah Wadamada Islaamka oo ku dhawaaqay in ay bari ciid tahay

Qaar Kamid ah wadamada Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay bari tahay maalinta 1-aad ee ciidul fidriga islamarkaasina laga arkay bisha laga arkay wadamadaasi.

Wadamada Sucuudiga, Masar, Qadar,Singabor, Baxrayn, Falastiin, Ciraaq, Turkiga, Indonesia, Australia, Sudan iyo Imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqay in bishii Ciid la arkay shacabka dalkoodana u sheegay in ay Ciid tahay.

Dhanka kale Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa baadi goob ugu jirto xiriirarana la sameeyneeysa qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya si aan akhristayaasheena ugu soo bandhigno war lagu kalsoonaan karo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post