Madaxweynaha Puntland oo Shaaciyey in maalinimada Berrito Ciidtahay, Hanbalyona Udiray Ummaada Muslimka ah

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 24 June 2017 shaaciyey in maalinimada berrito 25 June 2017 ay tahay ciid, hanbalyona u diray ummada Muslim ka ah iyo shacabka Soomaliyeed munaasibada ciidul Fidriga darteed.

Madaxweynaha ayaa si gaara ula wadaagey  farxada ciidul fidriga shacabka reer Puntland meelkastay joogaaan, waxaana u dhammaantood ilaahay uga baryey inuu sanadka sanadkiisa ku gaadh siiyo farxad, caafimaad qab, nabad gelyo, horumar iyo wajir.

‘’Ciid Mubaarik, Ciid Mubaarik, kullu caam wa antum bikhayr, aad iyo aad ayaan ugu hanbalyay nayaa ciida soon fureed dad weynaha Soomaliyeed meelkastay joogaan gaar ahaan shacab weynaha reer Puntland, waxaan idiin rajaynayaa idinka iyo reeri hiina, caruurtiina iyo asxaabtiinaba inaad ku ciidaan, ciid farxad leh ciid nabad gelyo leh’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

‘’Ilaahay waxaan ka rajaynayaa sanadka sanadkiisa inuu inagu gaadhsiiyo nabad gelyo, horumar, midnimo, waddajir iyo bash bash iyo barwaaqo’’. Ayuu yiri Madaxweynuh.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si gaara hanbalyo ugu diray ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland, kuwaas oo uu xusay inay yihiin Alle kasokow kuwa inoo suura geliyey inaan ku ciidno nabad gelyo iyo farxad waarta.

‘’Si gaara waxaan ugu hanbalyay nayaa ciidamaada qalabka sida meel kastay joogaan, kuwaas oo Alle weyne ka sokow inoo suura geliyey inaan ku ciidno nabad gelyo iyo amaan’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Dhegayso Codka Madaxweynaha:-