Xulufada Sacuudiga oo Shuruudo adag ku xiray la heshiinta Qadar


Sacuudiga, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa Qadar ka dalbaday liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay lagama maarmaan tahay in ay fuliso hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.

Kuwait oo dhex-dhexaadineysa Qatar iyo xulufada Sacuudiga ayaa u gudbisay liiska dalabyada Qadar, waxaana ku jira in Qatar ay gabi ahaan xirto warbaahinta Al-Jazeera iyo ay xiriirka u jarto Iran.

Sidoo kale waxaa dalabyada ku jira in Qadar ay xirto Saldhiga Milatari Turkiga iyo in ay xiriirka u jarto dhammaan ururada Argagixisada gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Al-Qacida iyo kooxda Xisbullah.

Xulufada Sacuudiga ayaa Qatar siiyay inay 10 maalmood gudahood ku ogolaato dalabyadan, ayaga oo aan wax tusmo ah ka bixin waxa dhici doona, haddii aysan Qatar ogolaan.

Dalabyadan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid sabab leh oo wax laga qaban karo.

Dowlada Qadar ayaa in ka badan  labo toddobaad waxaa dhanka khaliijka ka saarnaa xayiraad dhaqaale iyo mid Diblomaasiyadeed.

PUNTLAND POST