Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo lagu soo dhaweeyay Garowe

Waxaa maanta lagu dhaweeyay magaalada Garowe Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) waxaana ka qeybgalay soo dhaweynta Wasiirka Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Puntland, Baarlamanka, Saraakiil ciidamada iyo Boqolaal dadweyne ah.

Wasiir Cabdi Faarax ayaa dadweynaha kula hadlay fagaaraha ay caanka ku tahay magaalada Garowe, wuxuuna ka warbixiyay socdaalkiisa iyo ka qeybgalka wada hadalka nabad kusoo dabaalida magaalada Gaalkacyo.

Waftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa soo dhaweyn ka dib kulan kula qaatey xarunta Madaxtooyada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Warar madax banaan oo ay helayso PUNTLAND POST ayaa sheegaya inuu qeyb ka yahay socdaalka uu kusoo gaarey magaalada Garowe Wasiir Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federalka Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST