Milkiilaha Facebook-ga oo la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota


Milkiilaha shirkadda Fecebook-ga Mark Zuckerberg ayaa xalay casho Afur ah la yeeshay koox Soomaali ah oo ku nool magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Mr Zuckerberg ayaa u mahad celiyey Soomaalidii Afurka ku casuntay, isagoo sheegay inuu la dhacay kartida iyo dhiiranaanta ay ku doonayaan Soomaalidu in meel aysan aqoon ay dalkooda cusub ka dhigtaan, sidoo kale waxaa uu sheegay in qofka qaxootiga ah uusan lahayn ikhtiyaar uu ku doorto dalka uu rabo in uu ku noolaado.

Sidoo Mr Zuckerberg ayaa sheegay in Nin ka mid ah Soomaalida oo 26 sano ku noolaa xero Qaxooti oo ku taala Mareykanka weydiiyay in uu hada dareemayo in Mareykanku yahay dalkiisa iyo in kale, wuxuuna sheegay in uu ugu jawaabay “Haa kan waxaan u dareemayaa dalkeyga”, wuxuuna sheegay in hadalada noocaas ah ay yihiin kuwa sharaf u ah Mareykanka.

Soomaalida ayaa ka mid ah dadka ugu badan ee aduunka isticmaala Mareegta Facebooka-ga.

PUNTLAND POST