Qarax gaari loo Adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho

Gaari Noha ah oo lagu soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay agagaarka Saldhigga Waaberi halkaas oo ah meel aad u mashquul badan isla markaasna ay ku yaalaan goobo ganacsi oo u badan carwooyin.

Saldhiga Degmada Waabari oo ku yaala wadada Dabka Ee Makka Al-Mukarama ayaa  la sheegay in gaariga Nohada lagu dhuftay afafka hore, islamarkaana uu jirey qarax kale  oo ka dhacay goobta.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay jiraan Qasaarooyin kala duwan.

Gaadiidka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa lagu gurbinayaa dhaawacyadda dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ka dhacay Saldhiga. degmada Waabari.

Dhowaan Degmada Wadajir waxaa ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo ay dad badan ku dhinteen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho