Dalladda PUNSAA oo Garowe shir kula yeelatay Guddiga Doorashada Somalia

Kulan ka dhacay xarunta hay’ada cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaana kulanka qabashadiisa iska kaashaday dalada daneeeyaasha aan dawliga ahayn ee PUNSA iyo Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka dawlada fedralka oo madaxdiisii u sareysay hadda ku sugan tahay Garoowe .

Kulanka oo ah mid watashi ah waxaa su,aalo lagu wediyay gudiga doorashooyinka sida ay ku dhici karto arintaas waxaana gudigu ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in wadanka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay marka la gaaro waqtigeeda .

Wasiir ku xigeenka dastuurka Puntland Cabdi raxaman Cabdi Ismaciil oo shira furay aya ka hadlay kulanka wadatashiga ah ee gudigu uu Garowe ku qabtay ahmiyadda uu u leeyahay xillligan in lagu qabto Garoowe isagoona sheegay inay si wanaagsan ula shaqeyn donaan gudiga doorashooyinka si ay hawsha ay halkan u yimadeen ay ugu fududaato.

Gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka ayaa sheeegtay in gudigu ilaa hadda ay qabteen shaqo balaaran ooo dhici horu socodka doorooyink ah ayna ku raja weyn yihiin inay miro dhasho ayna ka duwanaato kuwiii hore ooo caqabado ay soo foodsaareen dhameystirkooda .

Su’aalo ay weydiiyeen ka qeyb galayashii kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa madaxbaanida gudiga dhanka dhaqaalaha hufnaantooda shaqad xarunta ay ku shaqeyaan hada iyo khibradooda arimaha ay ku guda jiraan iyagoona sheegay inay tageen wadamo badan oo dalka dibadiisa ah, ayna ka soo kororsadeen aqoon dheeraad ah oo dhanka qabashada doorooyinka ah .

Gudoomiyaha Daladda Danayeesha aan Dawliga ahayn ee PUNSAA Faysal Axmed Warsame oo ka halkay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada kulanka watashiga ah ee bulshada ay la qaadanayaan gudiga doorashooyinka dalku isagoona bogaadiyay shaqada gudiga oo ay wada shaqeyn dhow la lee yihiin ururada bulshada sida PUNSAA.

Gudiga oo Puntland soo gaaray laba maalin ka hor waxay la kulmeen madaxda sare ee puntland waxay ka wada hadleen arim khuseeya doorooyinka dalka, wada shaqeynta gudiga heer federal iyo kan Puntland oo hadda shaqada doorashooyinka ku guda jira .

SAWIRRO

GAROOWE

  1. PUNTLAND POST