Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo saxiixay Mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Kheyre

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamanka Federaalka Soomaliya iyo aqalka Sare ay mooshin ka gudbiyen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo la magacabay bishii February ee sanadkaan 2017-ka.

137-Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaliya ayaa saxiixay mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaraha Soomaliya  Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa ka kala tirsan qaar kamid ah xisbiyada dalka ka jira iyo kuwa talada dalka hayay.

Xildhibaanada ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre waxa ay ku dhaliilsan yihiin qaabka ay u shaqeyso xukuumaddiisa,sidoo kale Xildhibaanada ka tirsan baarlamanka Soomaliya waxa ay ka xun yihiin fargalinta la sheegay in uu  uu Ra’iisul wasaaraha ku haayo shaqada wasaaradaha qaar.

Sida aan ku helayno wararka Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa isku balansaday marka laga soo laabto fasaxa oo ku aadan ciida kadib, oo furmi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamanka Todobanaad.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho