Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xildhibaano Mooshin kawada

Kulan u dhaxeeyay tobanan ka tirsan xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo madaxeynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay ka dhacay mid kamid ah hoteelada magaaada Mogadisho .

Kulankan ayaa yimid kadib markii habeen ka hor xildhibanadaan oo ka soo horeeda Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay ku shireen Hotel ku yaala magaalada Mogadishu ,waxaana madax weynaha uu la kulmay 15 kamid ahaa xubnahaasi mucaaradka ah.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka codsaday in mooshinkooda ay la laabtaan Xildhibaanada kasoo horjeeda Kheyre islamarkaana wax walba oo jira la xalin doono.

Waxaa xubnaha  golaha aqalka sare hogaaminaya Senator Da’ud Cumar (Bisinle) laakiin ma’uusan xusin magacyada xubnaha kale ee baarlamaanka kuwaa oo ka soo horjeeda  dowlada uu hogaamiye madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa saxiixay mooshin ka dhan ah xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho