DF:- “Al-Shabaab Dadka Muqdisho waxa ay u diidayaan Maalmaha Ciida”

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya Eng C/raxmaan Cumar Osmaan yariisow ayaa ku eedeeyay dagalyahanada Al-shabaab in shacabka Soomaliyeed ay u diidan yihiin in ay u diyaar garoobaan ciidul fidriga maalmaha naga xigta.

Wasiirka ayaa sheegay in qaraxii  ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir uu cadeyn yahay in Al-shabaab ay doonayaan leynta shacabka Somaliyeed islamarkaan Dowladda Soomaliya ay cambaareynayso,tacsina u direyso dadkii ku dhintay qaraxaas.

“Qaraxii degmada Wadajir ee waxashniamda ahaa  waa mid Al-shabaab ku diidanyihiin in shacabku ay u diyaar garoobaan maalinta qeiimaha badan ee  ciida, Al-shabaab diin ma wadaan, dan Soomaaliyeed ma wadaan ee waa in meel looga soo wada jeesto”, ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaliya.

Inta la xaqiijiyay 11-qof  ayaa ku dhimatey oo la kala garan La’ yahay  Meydadkooda,22 kalena way ku dhaawacmeen oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdulaahi, iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada kadib markii qarax gaari Caasi ah  laga soo buuxiyay  lagu qarxiyay meel aan sidaas ugu fogeyn  xarunta degmada Wadajir.

Mas’uuliyadda qaraxa waxaa sheegtay Al-shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho