Wasaarada Caafimaadka Puntland oo dib u eegaysa waxqabadka 6-dii bilood lasoo dhaafay

Waxaa maanta ka furmay xarunta Wasaarada Caafimaadka ee magaalada Garowe shir ku saabsan dib u eegis wasaaraddu ku samaynayso waxqabadkeeda lixdii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana daahfuray kulanka oo ay kasoo qeybgaleen Isu duwayaasha gobolada u fadhiya Wasaarada iyo Saraakiil ka socota hay,addaha samafalka Agaasimaha guud ee Wasaarada Dr Cabdirasaaq Xirsi Xasan.

Cabdirsaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay inuu jirey qorshe masuuliyiinta Wasaaradda iyo Hay,addaha bahwadaagta la ah dejisteen bilowgii sanadka, isagoona hoosta ka xariiqay in marka la gaaro lix bilood dib u eegis lagu samaynayo qorshihii la dejiyay si loo hubiyo Maxaa qabsoomay, Mase la gaarey yoolkii la dejiyay sanadka bilowgiisa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Cabdirasaaq ayaa sheegay in ajandayaasha shirkaan lagu soo bandhigi doono Programs ama Jadwal ku saabsan wixii la qabtey iyo wali hawlaha dhiman.

Daawo kulanka .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST