Faahfaahin: khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay 11-qof  ayaa ku dhimatey oo la kala garan La’ yahay  Meydadkooda, 22 kalena way ku dhaawacmeen oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdulaahi, iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada, kadib markii qarax gaari Caasi ah  laga soo buuxiyay lagu qarxiyay meel aan sidaas ugu fogeyn xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo gaari Caasi ah lagu soo raray islamarkaana khudaar siday ayaa lagu qarxiyay meel aan sidaas ugu fogeyn xarunta Degmada Wadajir,waxaana xiligaa uu qaraxu dhacayay la xaqiijiyay in suuqa uu ahaa mid mashquul badan, sidoo kalana waxa mashquul laga dareemayay xarunta Degmada oo xiligaas laga bixinayay kaarka Cuntada.

Xarunta Degmada Wadajir  oo qaraxa uu ka dhacay waxa ay ku taalla dhabarka dambe ee Suuqa weyn, sidaasina uma kala fogo labada xarun, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay haatan ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir.

War laga baahiyay baraha Internet-ka ee taageera Al-shabaab ayaa lagu sheegay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu waday Ruux naftiis hure ah uu gudaha ugalay xarunta degmada Wadajir oo xilligaasi ay ku shirayeen mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha Dowladda waa sida hadalka ay u dhigeen Al-shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Axmed Carab oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qarxa lala beegsaday dad shacab ahaa oo iska ganacsanayay oo masaakiin ahaa, islamarkaana Al-shabaab ay u soo jeysteen sidii loo leyn lahaa shacab Soomaliyeed.

Hoos ka dhageyso Codka Afhayeenka Wasaarada Amniga

Hoos ka Daawo Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho