Daawo:-PUNTLAND POST oo gorfeyn adag ku samaysay Waxbqabadka Madaxweyne Gaas

PUNTLAND POST ayaa soo bandhigaysa dood xasaasiya oo ku saabsan gorfeynta Waxqabadka Madaxweyne Cabdiweli Gaas tan iyo intii ka dambeysay markii loo doortey Madaxweynaha Puntland iyo Sidoo kale hadal hayn ku saabsan jiritaanka qorshe Xukuumadda Puntland ku doonayso muddo kororsi ka dib markii shalay 19 June 2017 Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku wareejiyay lacag gaareysa $ 3.500,000 (Saddex milyan iyo shan boqol oo kun ) oo dollar oo loogu tala-galay in lagu dhamaystiro labo mashruuc oo waaweyn oo ka socda gudaha Puntland sida Airport-ka Garowe iyo Wadada isku xirta Ceeldaahir ilaa Ceergaabo.

Goobaha dadku ku kulmo sida baraha bulshada iyo kuwa la isugu yimaado waxaa si weyn looga hadal hayaa maalgalinta Xukuumadda Puntland ku samaynayso mashaariicda ka socota garoonka diyaaradaha Garowe iyo wadada Ceeldaahir –Ceergaabo, Halka si weyn dadweynuhu u hadal hayaan mowduucyo ka baxsan maalgalinta mashaariic ka socota gudaha dalka kuwaas oo salka ku haya inuu jiro iyo in kale qorshe la xiriira muddo kordhin Xukuumadda ay hogaaminayaan Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo Kuxigeenkiisa Eng Cabdixakiin Cumar Camay.

Tafatiraha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ayaa qeybinaya dooda u dhaxaysa Cabdixabiib Warsame oo aaminsan inuu ku fashilmay Madaxweyne Cabdiweli Gaas hogaaminta Puntland iyo Ciiro Axmed Xasan (Dr Ligle) oo si weyn u taageersan waxqabadka Xukuumadda Puntland.

Labada masuul oo PUNTLAND POST u xulatay mowduucaan gorfeynta oo kala ah Ciiro Axmed Xasan (Dr Ligle) oo ku nool magaalada Oslo ee dalka Norway iyo Cabdixabiib Warsame oo ku nool dalka Mareykanka waa kuwo si weyn aragtidooda ugu kala duwan.

Haddaba daawo dood xiiso leh.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST