Xukun lagu riday Ninkii dilay Wasiir Cabaas Siraaji


Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday mid ka mid ah labo eedeysane oo loo heystay dilkii Wasiirkii Howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Cabaas Siraaji.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaable Xasan Cali Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labada eedeysane loo heystay, waxa uuna sheegay in Axmed Cabdilahi Caydiid Maxkamadu ku xukuntay dil Toogasho ah, halka Cismaan Salaad Barre ay Maxkmaddu amrayso in la sii daayo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda uu u furan yahay Racfaan.

Kiiska dacwadan ayaa soo socday tan iyo dilkii Wasiir Cabaas Siraaji oo 3-dii bishii May lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Labada eedeysane ayaa ahaa Askar ilaalo u hayd  Hanti dhowrihii guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo xilkii ku waayay dhacdadaas.

PUNTLAND POST