Madaxweynaha Puntland oo $3.5 Million ku bixiyay Mashaariic horumarineed

Madaxweynah Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xaflad ka dhacday Garowe ku wareejiyay $3.5 Million, taas oo lagu dhameystirayo mashaariicda dhismayaasha garoonka diyaaradaha Garowe iyo  wadada Ceel Daahir – Ceerigaabo.

Madaxweyne Gaas ayaa guddiga iyo shirkadda gacanta ku haysa dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ku wareejiyay $2.5 Million taas oo lagu dhameystirayo dhismaha garoonka diyaaraha Garowe.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa guddiga dhismaha wadada Ceel Daahir – Ceerigaabo ku wareejiyay $ 1 Million oo loogu tala galay dhismaha wajiga Kowaad ee wadadaas.

Dhageyso khudbadii madaxweyne Gaas

Faahfaahin iyo Sawiro dib kala soco