Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Banaadir oo la qabtay

Wasiirka Amniga dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay madaxii amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Banaadir.

Wassiirka Amniga ayaa sheegay in ninkan la qabtay lagu magacaabo Cabdiwahab Khaliif Axmed Ciise (Tarabuun) isla markaana uu ahaa ninka Al-shabaab u qaabilsanaa weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Sargaalkan ka tirsanaa Al-shabaab lagu qabtay Suuqa Bakaaraha, kadib howgalo ay sameeyeen ciidamada amaanka magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa hambalyo u diray Ciidamadda Xasilinta Caasimada Muqdisho, wuxuuna ku bogaadiyey xoojinta guushan la gaaray.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudoooyinkan ka socday howlgalo Amni oo ay wadeen Ciidamada xasilinta caasimada.