Hal qof oo dhintay iyo 8 dhaawac ah weerar lagu qaaday masjidka Finsbury Park ee London

Hal qof ayaa ku dhintay 8 kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii nin gaari watay uu dul marshay dad muslimiin ah oo ka soo baxay masjidka Finsbury Park ee waqooyiga magaalada London.

Muslimiinta oo markaa ka soo baxay salaadii taraawiikhda ayaa nin gaari bus yar ah wata uu wadada ka baxay kadibna halka dadku maraan si ula kac ah u dul mariyey tobanaan muslimiin ah. Qof goobjoog ahaa ayaa BBC-da u sheegay in uu ninkaasi markii uu gaariga dadka mariyey kadib uu banaanka u soo baxay isagoo ku qaylinayey ‘where are all the Muslims? I wanna kill all Muslims.’ aawey muslimiintii waxaan rabaa in aan dilo dhamaantood.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa sheegtay in Boolisku ay dhacdadaan ula dhaqmayaan mid argaxiso, waxaana lasoo xiray ninkii falkaan gaystay oo 48 jir ah.

 

 

PUNTLAND POST