Cali Khaliif oo laga hor istaagay in uu tago Buuhoodle

Wararka ka imaanaya Degmada Buuhoodle ayaa ku waramaya in maanta halkaa ay ka taagantahay xiisad dagaal oo sida la sheegay ka dhalatay heshiis maalma ka hor magaalada Hargeysa ay ku wada gaareen Somaliland iyo Khaatumo.

Xiisadda ayaa la tilmaamayaa inay ka dhalatay kadib markii la sheegay in Degmada Buuhoodle uu tagayo hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh oo ku suganaa muddooyinkii dambe magaalada Hargeysa.

Maleeshiyaad hubaysan oo ka caraysan arintan ayaa la tilmaamayaa inay la wareegeen qeybo ka mid ah xaafadaha Degmada kuwaasi oo sheegay inay ka hortagayaan in hogaamiye Galeydh uu tago magaalada.

Wararka qaar ee aan helayno ayaa sheegaya in wafdiga uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galeydh barqadii maanta loo diiday inuu gudaha u galo Buuhoodle, waxaana laga cabsi qabaa in halkaas uu ka dhaco dagaal u dhexeeya Ciidanka Maamulka Somaliland iyo Maleeshiyaadka ku kacsan Cali Khaliif.

Maleeshiyaad hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay isku aruursanayaan deegaanka Soojeede oo 40 -KM u jira magaalada Buuhoodle.

Arintan ayaa imaanaysa iyadoo 10-ka Bisha Julay ay mar kale furmayaan wadahalada u dhexeeya Khaatumo iyo Somaliland, waxaana dad badan oo kasoo jeeda deegaanada Khaatumo ay aad u dhaliilayaan go’aanka Madaxweynaha Khaatumo uu wadahadalada uu kula furay Somaliland.

PUNTLAND POST