Norway oo aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliga ah

Dowlada Norway ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga ah gaar ah midka Diblomaasiga ah oo ay qaataan Madaxda Dowlada iyo Siyaasiyiinta.

Dabayaaqada Sanadkan ayaa waxaa ay dowlada Norway Soomaaliya u soo direysa quburo heer caalami ah oo arki doona habka lagu bixiyo Baasaboorka Shaqaalaha ee ( Service Passport ) iyo baasaboorka shacabka ay qataan si ay dowlada Norway iyana u aqoonsato oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed dal-ku galka ugu siiso

Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Adam Koofi ayaa muddooyinkii u damebyay waxa uu safari ku tagay qaar ka mid ah dalalka reer yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen basaboorka Soomaliga ah.

Sido kale Agaasimaha Guud ayaa madaxda dowlada iyo dhamaan soomaalida heysta Baasaboorada Shisheeye ka codsatay in ay ku safraan Baasaboorka Soomaaliga marka ay ku baxayaan magaca Soomaliya ayna ka qeybgalayaan Shirarka Caalamka.

PUNTLAND POST