Malaysia :-Arday ka farxisay Agoonta Askarigii ku dhintay Qarax ka dhacay Bosaso

Deeq lacag ah oo ka timid Ardeyda Gobolka Nugaal ee Jaamacadaha ka dhigta dalka Malaysia ayaa lagu wareejiyay Baarliin Maxamed Mire oo ah Xaaskii Alle ha u naxariisto Marxuum Barkhad Burundi Bulshaale oo ahaa Askarigii ku dhintey Qarax ismiidaamin ah oo Bosaso ka dhacay 23 May 2017.

Ardeyda ayaa deeqda lacagta ugu talagashay in lagu ciidsiiyo agoonta uu dhalay Marxuum Barkhad Burundi oo ku nool magaalada Bosaso, waxayna ardeydu usoo wakiisheen deeqdooda Tafatiraha PUNTLAND POST wuxuuna ku wareejiyay xaaskii uu qabay Askarigii isku dhigay Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday 23 bishii 5aad bar kontorool oo ciidamada Puntland ay gaadiidka ku baadhayeen isgoys u dhexeeya Dawladda Hoose iyo Rugta Ganacsiga ee magaalada Bosaso.

Baarliin Maxamed Mire oo caruur agoon ah u haysa marxuum Barkhad Burundi oo ka tirsanaa Ciidanka Dekeda Bosaso ayaa uga mahadcelisay Deeqda lacagta oo uga timid Ardeyda Gobolka Nugaal ee Jaamacadaha ka dhigta Dalka Malaysia, waxayna sheegtay inay ka farxiyeen, Iyadoona taas bedelkeeda alle uga bariday inuu si la mid ah uga farxiyo Ardeydaas.

Waxay sheegtay Xaaska Alle ha u naxariisto Marxuum Barkhad Burundi inay tahay deeqdii ugu horeysay oo uga timaada Ardey wax ka barata ama jaaliyadd ku nool dalalka shisheeye, waxayna faahfaahin ka bixisay duruufaha nololeed qoyska uu ka geeriyooday Marxuum Barkhad.

Daawo Wareysiga Baarliin Maxamed Mire.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST