Madaxweyne Farmaajo:- “Al-Shabaab ha qaataan Dib u heshisiinta”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo xalay soo xiray shirka Dib u heshiisnta qaran ayaa baaq u diray Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Al-Shabaab in ay qaataan dib u heshiisiinta islamarkaasina ay ka tanaasulaan fikirkooda dagaal ah.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo Balan Qaaday in dowlada Soomaaliya ay soo dhoweeyn doonto dhalinyarada Al-Shabaab ku jirta.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo sheegay in dowlada Soomaaliya ay qaadi doonto tilaabo waliba oo shacabka Soomaaliyeed ay ku helayaan amni iyo kala dambeeyn .

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku cil cilisay ugu baaqday Al-Shabaab in ay dowlada isku soo dhiibaan.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho