Madaxweynaha Puntland oo ka gayb galay Gunaanudka Tartanka Quraanka Kariim ka ah ee heer Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 18 June 2017 ka qayb galay gunaanudka tartanka Quraanka Kariim ah ee heer Puntland oo lagu soo xidhay Masjidu Huda ee Magaalada Garoowe.

Munaasimada lagu gudoonsiinayey ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Quraanka Kariim  ka ah Jaa’isooyinka  ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaalada  Saalax Xaabib Jaamac, Guddiga qaban qaabada tartanka, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, mu’asasada            Al-minhaaj, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn uduceeyey guud ahan ardayda ka qayb gashay tartanka Quraanka Kariim ka ah, waxaana uu sigaara u bogaadiyey Mu’asasada Al-minhaaj oo iyagu sanad walba soo qaban qaabiya tartankani.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku amaanay waalidka dhalay carurta ka qayb qaadatay tartanka iyo macalimiinta wax soo baray sida wanaagsan ee ay uso gacan qabteen una soo ababiyeen caruurtaasi xaafidu Quraan ka ah, waxana uu sidoo kale mahad balaadhan u soo jeediyey cidwalba oo ka qayb qaadatay qabsoomida tartankani Quraanka Kariim ka ah.

”Mahad waxaa iska leh intii soo qaban qaabisay xaflada, mahad waxaa iska leh macalimiintii soo barbaarisay dhalinyarada tartanka ka qayb qaadatay, mahad waxaa iska leh waalidiintii sida wanaagsan u barbaariyey, dedaalka geliyey inay soo saaraan jiil wanaagsan oo akhalaaqiyaad fiican leh iyana aad iyo aad bay u wanaagsan yihiin”. ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

 ”Guddiga qaban qaabada tartanka iyana mahad gaara baanu u celinaynaa, sidoo kale waxaanu u mahad celinaynaa intii ka qayb qaadatay tartankani ha noqoto mid wakhti geliyey iyo mid dhaqaale geliyeyba” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa gudiga ku booriyey inay sanadka danbe Insha Allah kusoo kordhiyaan tartanka, tartanka gabdha maadaama ay hablaheenu asaas u yihiin qayska, isla markaa ay mudan yihiin in lagula dedaalo barida iyo dersida diinteena islaamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu danbayn gudoonsiyey ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Quraanka Kariim ka ah Jaa’isooyin isugu jirira Lacag iyo abaalmarino kale, halka uu Madaxweynuhu gudoon siiyey ardaygii galay kaalinta koowaad abalmarin Gaadhi nooca loo yaqaan ”NOAH”, sidoo kale gudiga qaban qaabada tartanka ayaa madaxweynaha gudoonsiiyey shahaado sharaf ay ku maamuseen dedaalkiisa iyo kartidiisa uu marwalba la garab taagan yahay ilaalinta diinteena suuban ee Islaamka.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.