HARGEYSA: Xukun lagu riday dad raashin cunayo Bisha Barakeysan Ee Ramadaan

Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa Xukunno ku ridday toddoba Dhalinyaro ah oo ay mid kamid ahi Gabadh tahay, kuwaas oo ay Ciidammada Boolisku ku soo qabteen iyaga oo Cunto iyo Qaad ku cunaya Beer ku taalla Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa, isla markaan qaarkood qirteen, kuwo kalenaMarkhaatiyo Maxkamadda kaga marag­fureen inay Xaaraan quudanayeen Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beer­geel oo ku dhawaaqay Xukunkaas iyo qodobbada Ciqaabta ah iyo weliba Aayadaha Qur’aanka ah ee ay Maxkamaddu u cuskatay Xukunkooda, ayaa faahfaahiyey qaabkii loo soo qabtay iyo qirashada Dhalinyaradaas.

Garsooraha Maxkamada degmada Hargeysa oo faah faahinaya xukunka ay ku rideendhalinyaradan xaaraan lagu qabtay ayaa waxa uu yidhi “Waxay Maxkamada degmada Hargeysi u fadhiisatay dacwadan oo uu qaranka  dhibane ka yahay, waxaana eedaysanayaal ka ah Mumtaas Xasan Cabdillaahi, Ina Hinda Suudi oo 22 jir ah, Mubaarik Maxamed Xasan ina Foosiya Ismaaciil 25 jir ah, Maxamed Xasan Cilmi, Ina Ugaaso Ducaale oo 28 jir ah, Maxamed Cabdilahi Cabdi, Ina Caasha Biixi oo 22 jir ah, Cabdirashiid Aadan Raabi, Ina Canad Maxamuud oo 30 jir ah, Faysal Maxamed Xasan, Ina Caasha Maxamed oo 26 jir, Khaalid Xasan Ismaaciil, Ina Basra Cabdi oo 22 jir ah iyo eedaysanaha 8aad oo maqane ah oo la yidhaa khaalid Ibraahim Aadan”

1-Mumtaas Xasan Cabdillaahi, Ina Hinda Suudi oo 22 jir ah,
2-Mubaarik Maxamed Xasan ina Foosiya Ismaaciil 25 jir ah,
3-Maxamed Xasan Cilmi, Ina Ugaaso Ducaale oo 28 jir ah,
4-Maxamed Cabdilahi Cabdi, Ina Caasha Biixi oo 22 jir ah,
5-Cabdirashiid Aadan Raabi, Ina Canad Maxamuud oo 30 jir ah,
6-Faysal Maxamed Xasan, Ina Caasha Maxamed oo 26 jir,
7-Khaalid Xasan Ismaaciil, Ina Basra Cabdi oo 22 jir ah iyo
8- Maqane khaalid Ibraahim Aadan

Qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu arkaa inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan dad cunaya raashin bisil.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post