Garowe:-Madaxweynaha Puntland oo lacag ku bixinaya mashaariic horumarineed

Warar madax banaan oo soo baxaya ayaa sheegaya in maalinta beri ah Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” xaflad ka qabsoomi doonta magaalada Garowe uu ku wareejinayo lacag  $2.5 Million oo lagu dhameystirayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo $ 1 Million oo ay dalbadeen guddiga dhismaha wadada Ceel Daahir-Ceergaabo.

Lacagahan ayaa wararku sheegayaan inay dalbadeen kooxaha gacanta ku haya mashaariicda Garoonka diyaaradaha Garoowe iyo Wadada Ceeldaahir, Garoonka ayaa la sheegay in dhameystirkiisa lacagtaasi uu u baahanyahay, halka wadada la sheegay in lacagtaasi oo daamur ah dalbadeen guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir

Xafladda lacagtan lagu wareejinayo ayaa lagu wadaa inay beri ka qabsoonto magaalada Garowe, Iyadoona isu geyn lacagtu noqonayso $10 million oo Imaaraadku ku bixiyey heshiiska lagu horumarinayo dekadda Boosaaso.

Qorshaha Dekadda Boosaaso ayaa isna wararku sheegayaan in ramadaan kadib la bilaabayo, PUNTLAND POST ayaa xubno ka tirsan madaxtooyada kazoo xigatay in dadkii ka shaqeyn lahaa howshaasi qaybi hada joogto Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST