General Gabre Egziaber oo Loo Magacaabay Xil Cusub

Col. Gabre Egziaber oo ah Sarkaal Ethopian ah ayaa xil cusub looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD, iyadoo uu ka dalacay jagadii uu horay ka hayay qeybta Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta IGAD u qaabilsan Soomaaliya oo dhowaan laga bedelay.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuud Macalin ayaa Col. Gabre waxaa loogu magacaabay La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD.

Col. Garbe xilka La Taliyenimada ay qaadan doontaa muddo 12 bilood, oo ka bilaabaneysa, 12 June 2017, kuna eg 11 June 2018.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post