IGAD oo Wakiil cusub u soo magacowday Soomaaliya

Urur Goboleedka IGAD ayaa Maxamed Cali Guyo u magacowday Wakiilkeeda cusub ee Soomaaliya, kadib shir ay ururkaasi ku yeesheen xarunrta Itoobiya ee Adis Ababa.

Magacaabista Wakiilka cusub ayaa timid, kadib markii Wakiilkii hore Maxamed Cabdi Afay ay Qaramada Midowbay sanad ka hor u magacowday wakiilkeeda arimaha Qaxootiga ee Soomaaliya.

Wakiilka cusub Maxamed Cali Guyo ayaa lagula dardaarmay in uu noqday Wakiil wanaagsan oo sare u qaadi kara xiriirka IGAD iyo Soomaaliya, iyadoo IGAD aysan lahayn tan iyo sanadkii hore Wakiil u qaabilsan Soomaaliya.

Dhanka kale IGAD ayaa umagacowday Amb. Ismaaciil Wais in uu noqdo Wakiilkeeda cusub ee u qaabilsan  Koofurta Suda.

PUNTLAND POST