Ra’iisul wasaare Kheyre oo lagu soo dhaweeyey Adis Ababa

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole International ee magaalada Adis Ababa ku soo dhaweeyey masuulyihiin ka tirsan dowlada Itoobiya iyo masuuliyiinta safaaarada Soomaaliya ee Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka qeyb gali doona Shir madaxeedka Urur goboleedka IGAD oo maalmaha soo socda ka furmi doona magaalada Adis Ababa, kaas oo diirada lagu saari doono xaalada colaadeed iyo mida bani’aadanimo ee ka jirta Koofurta Sudan, sidoo kalena Ra’iisul wasaaruhu waxaa uu magaaladaas kula kulmi doonaa madaxda wadamada IGAD.

Booqashada Ra’iisul wasaare Kheyre ku tagey dalka Itoobiya ayaa ah tii ugu horeysay oo uu dalkaas ku tago, sidoo kalena waa safarkii labaad ee uu dalka dibadiisa ku tago.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST