Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliya oo burburiyay Saldhig Al-shabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagaga hadlay weerar lagu qaaday saldhig tababar oo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen meel u dhow degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

“Saaka aroortii waxaan amray in ciidamadeenna gaarka ah oo kaashanaya saaxiibadeenna caalamka in ay weerar ku qaadeen xarun tababar oo kooxda Al-shabaab ku lahayd meel u dhaw degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.”

“Weerarkan oo ahaa mid guul ku dhammaaday ayaa lagu burburiyay xarun tababar oo muhiim u ahayd hawlaha amni darro ee Al-shabaab, tani waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu ku soo abaabulo weerarro cusub.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay weerarkan in uu sare u qaadayo amniga iyo xasilloonida dalka, wuxuuna tilmaamay in uu yareynayo khatarta ay Al-shabaab ku hayso dadka Soomalaiyeed.

“Dowladda Federalka oo kaashanaysa saaxiibadeenna caalamka waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo looga hortagayo in hawlgallada noocan ah aysan wax dhibaatada ah ka soo gaarin dadka shacabka.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed looga codsaday in ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii dalka looga sifeyn lahaa Al-shabaab.

PUNTLAND POST