Iska hor imaad Ciidamada Puntland iyo Alshabaab ku dhex maray buuraha calmadow

Wararka ka imaanaya degaanka Af-urur oo katirsan Gobalka Bari ayaa sheegaaya inay halkaas saaka aroortii ku dagaalameen  ciidamada Dawlada Puntland iyo maleeshiyaad katirsan xarakada Alshabaab.

Inkastoo aan si dhaba loo hayn khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayey warar soo baxaaya sheegayaan in ay weerarka soo qaadeen kooxda Al-shabaab xili ciidamadu ku guda jireen saxuurta.

Dawlada Puntland illaa hada kama aysan hadlin khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalka Alshabaab iyo Ciidamada Puntland, hase ahaate afhayeen u hadlay kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya ayaa shegay inay halkaas ku dileen askar katirsan ciidanka Puntland, gadiid dagaalna ku gubeen.

Tan iyo sanadkii 2010 oo uu si rasmi ah u bilowday dagaalka ay isaga soo hor-jeedaan ciidamada Puntland iyo kooxda ku dhuumalaysata buuraha galgala ee taabacsan kooxda xiriirka laleh Al-qacida ee Al-shabaab waxaa degaanadaas ka dhacaayey dagaalo goos-goosa oo khasaare naf iyo hantiba leh geystay.

PUNTLAND POST