Deg deg:- Madaxweynaha Puntland oo isku shaandhayn ku sameeyey golaha xukuumada

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa isku shaadhayn ku sameeyey golihiisa wasiirada, waxaana la iskugu shaandheeyey sidan:-

Tigreetada madaxweynaha

1. Waxaa Cabdiraxmaan Barkhad Warsame loo magacaabay -Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Hidaha iyo Dhaqanka.

2. Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye – loo magacaabay Wasiirka Dib u dhiska iyo horumarinta Puntland.

3. Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje- loo magacaabay Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland

4. Waxaa Yaasiin Cabdi Seed – loo magacaabay Wasiir dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland

5. Waxaa Cabdirashiid Cali Geele – loo magacaabay Wasiiru dawlaha Wasaaradda Amniga.

6. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan – loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland

7. Waxaa Cabdifitaax Xasan Xuseen(Waloore) – loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

8. Waxaa Aamina Maxamed Cabdullaahi – loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

9. Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf – loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.

Lasoco faah-faahinta