Puntland oo isbadel ku samaysay ciidamada kantaroolada

Garowe (Puntland Post)-Wasaarada amniga Dawlada Puntland ayaa isbadel ku samaysay ciidamadii ka hawlgeli jirey baraha kantaroolada degmooyinka kala duwan ee Dawlada Puntland sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil katirsan Wasaarada amniga.

Dhamaan baraha kantaroolada laga soo bilaabo Galkacayo illaa Laag oo in yar u jirta Magaalada Bosaaso  ayaa saaka la geeyey ciidamo cusub, waxaana ciidamadii horay uga hawl geli jiray loo kala qaybiyey goobo cusub oo ay ka hawl geli doonaan.

Arintan ayaa ka dhalatay markii shalay magaalada Bosaaso lagu qabtay gaari xamuula oo lagu soo dhex qariyey wax yaabaha qaraxa iyo qalab kale oo loo adeegsado, gaarigan oo ka yimi Koonfurta Soomaaliya ayaa soo maray inta badan kantaroolada Puntland waxaana lagu qabtay kantaroolka Bosaaso oo ah kan u danbeeya.

Arintan ayaa dhalisay in Dadweynuhu ay dhaliilo badan usoo jeediyaan Ciidamada amaanka ee ka hawlgala kantaroolada kala duwan marka laga reebo kan magaalada Bosaaso.

Dawlada Puntland ayaa muujinaysa feejignaan xoogan, kadib falal ka dhana amaanka oo la sheegay in loo maleegaayo Puntland.

PUNTLAND POST