Qaraxyo iyo Ragii watay oo lagu qabtay magaalada Bosaso

Ciidanka ilaaladda Kontaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka ku guuleystay iney gacanta ku dhigaan gaari Waaraad ah iyo laba nin oo watay walxaha qarxa.

Ciidanka ayaa baaritaan ay ku sameeyeen gaariga ka helay Walxaha qarxa, taararka yaryar, taarikooyin iyo agabyo kale oo dharka tuutuhu kamid yahay.

Sidoo kale Lix kamid ah sanaadiiqda qaraxyada ayey ciidamadu u soo bandhigeen saxaafada magaalada Boosaaso

Laamaha amaanka Boosaaso ayaa lagu wadaa in ay goor dhaw ka hadlaan qaraxyadan ay soo bandhigeen.

Bishii April ee la soo dhaafay ayey ahayd markii sidaan oo kale ciidamada amaanka Boosaaso ka gacanta ku dhigeen walaxaha qarxa iyo ragii watay.

Abdiqani Bos -Bosaso

PUNTLAND POST