Wariyaha PUNTLAND POST oo aroos dhaqan loogu qabtey Baadiye

Abshir Dhiirane oo ah Tafatiraha Warbaahinta PUNTLAND POST  ayaa todobaadkan baadiyaha ku yaala hawdka gobolka Nugaal loogu qabtey isaga iyo xaaskiisa Samiiro Cabdirashiid Jaamac Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ah Aroos lagu dhiiri galinayo dib usoo noolaynta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Inta laga war hayo taariikhda waa lamaanihii ugu horeeyay oo intay magaalo ka kicitimaan xafladda gaafka arooskooda  ka qabsoonto dhisme Aqal Soomaali ah oo laga yagleelay baadiye ku yaala nawaaxiga tuulada Reemanti ee Hawdka Gobolka Nugaal.

Bahda iyo Maamulka PUNTLAND POST waxay si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaan Caruus Abshir Cabdulaahi Maxamed (Abshir Dhiirane) iyo Caruusadiisa Samiiro Cabdirashiid Jaamac.

Haddaba daawo xafladda arooska Wariye Abshir Dhiirane.

Garowe

PUNTLAND POST