Tartan Kubadda cagta ah oo dhalinyaro cuslaatay uga furmay garoonka Classic Garoowe.

Garoonka kubadda cagta, Jimicsiga iyo ciyaaraha fudud ee Classic Garoowe ayaa waxaa xalay ka furmay koob kubadda cagta ah oo loo qabtay 15 kooxood oo ka kooban dhalinyaro cuslaatay.

Tartankaan oo sanad walba la qabto inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka iyo shaqaalaha garoonka Classic, waxaana furitaankiisa ka qaybgalay, xubno ka socdey xukuumadda Puntland, saraakiil ka socotey madaxtooyada, taliyayaal, gaancsato, bahda ciyaaraha iyo dhalinyaro kale.

Mulkiilaha Classic Axmed Jaamac Jawle oo ugu horayn ka hadlay madasha ayaa sheegay in tartankaan ujeedada ay ka leeyihiin in dhalinyarada lagu maaweeliyo uuna caafimaadkooda qayb ka qaato marka ay ka soo baxaan tukashada salaadda Taraawiixda.

Agaasimaha guud ee dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland Axmed Cabdalle Tigaano oo ka hadlay xafladda furitaanka ayaa maamulka iyo shaqaalaha garoonka Classic uga mahadceliyey kaalinta wanaagsan ee ay ka qaataan horumarinta ciyaaraha.

Ugu dambayntiina wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo ciyaaraha haatanna ah wasiirka ganacsiga iyo wershedaha dowladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha-guran) oo si rasmi ah u daahfuray ciyaarahaani ayaa bogaadiyey maamulka garoonka, wuxuuna ku baaqay in loo istaago horumarinta dalka.

GAROOWE

PUNTLAND POST